Magaalada Gaywerrow iyo deegannada hoos tega

Wararka  ka imaanaayo  magaalada gaywerrow iyo tuulooyinka hoos dhaca ayaa ah  , kuwa aan marna loo dul qaadan Karin amase dhaafsan banii’aadannimo, muslinnimo. Walaalnimo, Soomaalinimo  dhalasho warkeeda iskaba illow.

Waxaa maalmihii Ciidul Adhxa , halka ay dadweynaha deggan magaaladaasi iyo tuulooyinka ku hareereysan ka dhaca dhibaatooyin fool xun, kuwaasi oo ka baxsan dadnimada amase sidaan kor kusoo xusney.

Waxaa  weerar kusoo qaadey rag adeegsanaaya dharka ciidanka dowladda oo ka tirsan beesha Garre, rag ha yeraado amase ha weynaado waa  ay dileen, waxii naftooda la baxsadey amase aan meesha ku sugneyn mooye.

Dumar waayeel waxii ah waa ay dhaceen oo waxii ay ka helaan ayay ka qaateen, hase yeeshee wax gabadh ah, kufsi iyo dil amase jir dil aayay u geysteen.

Taasi waxay dhalisey inay dadka deegaannadaasi deggan ay ku ciidan dhibaatadaa dhiig mooyee aan leheen wax la illoobi karo.

Waxaase is weydiin leh aqoonyahanka beesha Garre, indheergaradkooda , culumadooda waxa ay raalli ooga yihiin dhibaatada ay geystaan dhallinyeradooda tan iyo burburkii dowladdii dhaxe.

Waxaa la ogyahay dagaallada ka dhaca shabeellada hoose inta badan inay yihiin dhallinyerada beesha Garre kuwa ay soo adeegsadaan kuwa dhul boobka ka wodey deegaannada gobolka.

Beesha Garre  , mar waa Digil, marna waa Dir, haddana dhibaatada inta oogu badan waxay ku hayaan waa dad ka tirsan Dir.

Haddaba ma Dir baa kala ah, kolle aqoon darri  kama ahee?

Arrintaani haddii ay jawaab cad ka bixinwaayaan  cuqaasha Direed  gaar ahaan kuwa u dhashey  Garre, arrintu si kale ayay isu rogidoontaa.

Garre , haddii ay illoowaan arrimaha soo socdo:

1 – Dhalasho Walaaltinimo. 2- Soomaalinimo  3- Deresnimo

4- Muslinnimo . 5- Dadnimo.

Waxay ogaanayaan qofkii intaa illooba in ay waajib tahay in laala dhaqmo sida uu mudanyahay oo ah, in intaa la illoobo, natiijada ka dhalankartana waxay noqoneysaa  in taariikh cusub iyo cashar aysan haweenkooda iyo caruurtooda maqal in loo dhigo.

Waxaase jawaab laga sugayaa  ugaasyada, Salaadiinta iyo  odeyda beelaha Direed , iyo aqoonyahanka . indheergaradka, culumada Beesha Garre  sida ay arrintaani jawaab ooga bixiyaan.

Reer Gaywerrow ma ciidin sannadkaan , sida reer Marka Caddedy aysan u ciidin ,waase ciididoonaan hadduu Alla idmo.

Barakaca magaala madaxda gobolka shabeellaha hoose  waxaa u dheer kan Gaywerrow  kuwaasi oo kusoo biirey kuwii horey caasimadda dul saarnaa..

Dowladdaha tan gobolka  iyo Federaalkaba waa ay ka jeedaan hase yeeshee goorta ay soo jeesandoonaan ay u muuqato goor ay arrintu noqotey xeedho iyo fandhaal kala dhacay .

Waxa lasugo waa jawaab  , aamunaantuba waa jawaabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open