HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO CIIDUL ADHA

Waxaan si woda jir ah, halkaan  ooga  woda hambalyeyneyaa  guud  ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay dunida ka joogaan. Wannu leennahay Ciid Wanaagsan

Gaar ahaan  dadka u dhashey gobolka  Shabeellaha Hoose.

Ilaahay waxaan ooga baryeynaa annaga oo ah odeyda jaaliyadda beesha Biimaal ee boqortooyada Sacuudiga inuu   ooga dhigo mid ay badhaadha   iyo bash bash oogu ciidaan.

Halkaan waxaan si gaar ah u xuseynaa dhibaatada gobolka ragaadsatey, ee mid ku saleysan   dhibaatooyin joogta ah , gaar ahaan magaala madaxda gobolka iyo deegaannada ku hareereysan oo ay dhibaato muddo 6 sanadood haysao .

Waxaan si gaar ah u dhaliileynaa dhibaatada Shabeellaha hoose oo aan tan iyo burburkii dowladdii dhaxe aan marna loo raadin in la xalliyo, maamul kasta ee dowlad lagu tilmaamey mid ku meel gaar ah, amase mid federaal amase mid gobol midna aysan tillaabo wax ku ool ah aan laga qaadin.

Dhibaatadaan oo aan loo arag mid mudan in dadka woda dagaallamaayo lagu walaaleesiiyo amase la kala dhiciyo , amase la qabto waxii umadda masaakiinta ah loogu aabayeelaayo, laguna fiirinaayo maslaxadooda.

Waxaan dhaliil oogu soo jeedineynaa   kuwa ku tilmaaman caqli iyo indheer garad ee ku hadaaqaayo Soomaalinimada oo aan marna tillaabo cadaalad ku saleysan aan ka qaadin, taasi oo aan u aragno inay kordhineyso  cadaawadda ay ku soo barbaarayaan ubadka gobolka oo berrito noqondoono kuwa wax burburiya, oo aan wax dhisin.

Saa darteed waxaan soo jeedineynaa, waa inay dowladda federaalka tilaabo ay ubadka gobolka  Shabeellada hoose ay maanta u abuuraan nolol si ay berrito ooga faaiidaan, haddiise ay taasi dhiciweydo , meesha waxaa kasoo bixidoono ubad kuwa maanta nolosha loo dhisaayo  ka burburindoono, aanan u oggolaandoonin nolol nabadeed.

Oogu dambeentii waxaan ku baaqeynaa, maamullada federaalka, iyo kuwa gobolka inay garab siiyaan dadka u dhashey gobolka si berrito ay nolosha la hiigsanaayo u noqoto mid ku saleysan nobad ku woda noolaanshaha umadda Soomaaliyeed.

Ka: Duqa jaaliyadda  Xaaji Cumar Maxamed Cali Moordi

ku xigeenka Duqa jaaliyadda: Xaaji Axmidey Maye

Suldaanka  Beesha : Xaaji Cabdalla  Cali Cabdalla Oontiro

Wabarka  beesha :  Xaaji Maaddee Kuulle

Ugaaska Beesha : Sheekh Cumar Xasan Geeldile

Odey :Xaaji Xasan Sheekh Cusmaan

Odey: Xaaji Saciid Muuse Ibraahin

odey  Xaaji Maxamed Cali Ciilley

Odey: Maclin Muuse  Xuseen

odey : Xaaji Xabiib Xaaji Cumar

iyo dhammaan dhallinyerada iyo haweenka jaaliyadda

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open