Mideynta Aragtida Jaaliyadda Jeddah:20/1/2018

Jaaliyadda beesha   Biimaal ee Jeddah ayaay soo dhex tilley kala duwanaan aragtiyo  muddo dheer, taasi oo marba soo mareysey heer, ilaa muddo dhoor sano.

Kala duwanaanta aragtida waa mid ku dhisan horumarka jiritaanka taariikhda, haddii aysan jirin kala duwanaan aragti lama heleen wax horumar ah dunida oo idil.

Waxaase muhim ah , in la helo hab lagu mideeyo kala duwanaantaasi, si loo gaaro horumarinta iyo horey u socodka la doonaanyo..

Shir ballaaran oo lasoo abaabulaayey ilaa muddo dhowr bilood ayaa lagu soo gaba gabeeyey Aqalka  Ku xigeenka duqa Jaaliyadda Mudane xaaji Axmidey Maxamed  Maye .

Shirkaasi ayay ka soo qeyb galeen dhamaan maamulka sare, guddiyadii kala geddisnaa ee ka jirey jaaliyadda dhexdeeda  , culumada, aqoonyahannada indheer garadka,  iyo dhallinyerada.

Halkaasi oo aad looga hadley dhibaatada in laga gudbo, lana arko saameenta ka dhashey kala taagnida maamullada iyo dib u dhaca hawlahii wax tarka laga heli jirey jaaliyadaha oo idil, taasi oo ka dhalatey hoggaanka jaaliyadaha oo noqdey fadhiide, oo ah jaaliyadda Sacuudiga.

Waxaa kale shirkaasi lagu caddeeyey dhibaatada guud ee gobolka iyo tan deegaannada beesha.

Si gaar ah waxaa dhaliil loo soo jeediyey dowladda Federaalka iyo tan gobolka, oo aan marna ku tala gelin inay dhibaatada ka dul qaadaan deegaannada gobolka Sh.Hoose.

Waxaa boogaadin loo soo jeediyey dadka u dhashey gobolka meel kastoo ay joogaan inay u duubtaan sidii ay deegaannadooda u dhisi lahaayeen, ayna iska daayaan aragtida gaaban ee ku saleysan qabyaaladda gaamuurtey iyo is xasidka dhexdooda.

Shirkaasi oo ay hadallo qiiro leh, ka jeediyeen, Duqa Jaaliyadda Xaaji Cumar Moordi, Ku xigeenka  Jaaliyadda Axmidey Maxamed Maye, Suldaanka Jaaliyadda Cabdalla Oontiro, Af Hayeenka Jaaliyada  Xasan Sheekh Cismaan Gasba, Ugaaska Sh. Cumar Xasan geeldile, culumada Maclin Muuse Axmed, Wabarka Maadey Kuulle, Guddoomiyaha Guddiga fulinta Awees Maclin Macow oogu dambeentii waxaa si gaar ah ooga hadley guddoomiye ku xigeenkii hore  Cabdullaahi  Xasan Maclin Buuni,oo ah ku meel gaar inta uu kasoo noqonaayo  ku xigeenka Xabiib xaaji Cumar oo safar ku maqan .

Oogu dambeentii shirkaasi ayaa lagu soo gabagabeeyey casho sharaf ee uu fidiyey Ku xigeenka duqa Jaaliyadda mudane Axmidey Maxamed Maye.

Shirkaani ayaa kusoo dhamaadey si farxad leh, oo ay u woda riyaaqeen dhamaan xubnaha jaaliyadda Sacuudiga rag iyo Haween, hadallada waaa daadihinaayey xoghayaha jaaliyadda Ismaaciil Ibraahin Jeego, si aad ahna usoo woda koobaayey hadalladii meesha laga woda jeediyey.

Shirkaani oo lagu baahiyey idaacadda KalsanTv  iyo baraha bulshada ay ku woda xariiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open