Deg Deg: Ciidamada Dowlada Oo Burburiyey Saldhig Alshabaab Ay Ku Lahaayeen Deegaanka Lexmooro. Ee Degmada Marka.

Ciidamada xoog dalka soomaaliya ee fadhigoodu yahay deegaanka Ceeljaale ayaa maalmahanba wada qorshe Howlgal dagaal ah kasoo lagu soo afjarayo deegaanada xeebaha ee ay maamulaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Saake aroortii ciidamada dowlada waxa ay weerar dhowr jiho leh ku qaaday deegaanada Ceel-cadowga, Buuloharaan, Malad, iyo lexmooro Iyadoo ugu dambeeyntiina qabsaday saldhig laga soo awaawuli jirey dhibaatooyin.

Sida aya sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada in ay la kulmeen iska caabin yar ka hor inta ay la wareegin saldhiga maleeshiyada Alshabaab Iyadoo saraakiishu cadeeyeen in ay dileen tiro dagaal yahano ah sidoo kale ka qabsadeen calanka astaanta u ah, halka ciidamada dowlada dhinacoodu waxba kasoo gaarin.

 

Qorshaha dagaal waxa uu ku soo beegmayaa xilli maalintii shaley maleeshiyaadka Al shabaab ay dileen shacab beeraley ah kuwaasi oo ku mashquulsanaa tacabka beeraha.

Guud ahaan xaalada deegaanka ayaa aad u degan Iyadoo ay jirin wax cabsi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open