Deg Deg: Al-Shabaab Oo Xasuuqay Beeraley Gobolka Sh.Hoose.

Warark naga soo gaaray gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dil wadareed naxdin Leh loo geystay shacab beeraley ah xilli ay ku mashquulsanaayeen tacabka beeraha.

Dilkan oo dhacay xilli liiqad ah qoraxdu sii galeyso Iyadoo beeraleyda isku diyaarinayeen ku laabashada guryahooda.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay afka  u duubna halka qaarka kale ay ahaayeen kuwa wajiyadooda furan Iyagoona beerta ka soo galay dhanka koofureed  isla markaaan marxuumiinta la dilay su’aalo weydiiyey ugu dambeeyntiina rasaas ku harqiyey.

Beeraleyda la dilay ayaa ka kooban laba dil ah halka 4kale ay yihiin dhaawac culus, dadka dilka ka badbaaday ayaa inoo sheegay in ay dileen Alshabaab oo afka u duuban isla markaaan na dilay markii ay naga ogaadeen qabiilka aan nahay.

Dhacadadani ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykanka ay xasuuqeen tiro maleeshiyo Alshabaab ah, Iyadoo xarakada Al shabaab ay ku goodisey in ay ka aargudan doonto shacabka shabeellada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open