Wax Tarka Nabadda Gobolka shabeellaha Hoose

Go’aankii kasoo yeedhey Mudane General Cabdullaahi Waafow , waa mid ka tarjumaayo ,marxaladda la joogo, kuna  saleysan xaqiiqadii ka maqneyd muddo badan , hoggaanka dowladda federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeedka.

Waa go’aan uu u soo qaadey beelaha ku abtirsada gobolka shabeellaha hoose, gaar ahaan beesha Biimaal oo muddo dheer halgan ka woddey gobolka si looga dul qaado dulmi ku gaamurey muddo aad u dheer.

Go’aankaan  geesinimada leh , waxay  guul u tahay dhammaan dadweynaha u dhashey gobolka, iyo inta ku dhex nool, ee nolol doon ah, isla markaana waxay dan gaar ah oogu jirtaa :-

1Dadka u dhashey gobolka   2dadka ku dhashey  3kuwa doonaayo maal gashi

4Maamulka koofur galbeed  5Maamulka Jubbaland  6Maamulka Hirshabeelle

7Dowladda Federaalka  8Gobolka Banaadir   9Maamul goboleedka kale iyo Dowladaha jaarka ah.

Waxaa laga yaabaa inay qaar badan  is leeyihiin, sideebay intaa oo idil  dan oogu jirtaa?

Waxaa gobolka nabaddiisa ku caano maalandoono dadka u dhashey gaar ahaan, iyo kuwa ku dhashey , waayo  waxuu gobolkaani sal u yahay barwaaqada dhulka laga  soo saaro, ayada oo aan la aadin macaadinta iyo biyaha  .

Kaasi oo waxii kasoo baxo dalka oo dhan lagu dheefin karo, haddii uu gobolka nabad noqdo.

Waxuu hormuud u yahay nabadda gobolka Banaadir iyo gobollada Jubbaland.

Waxaa dhicidoonto, inay ka furmaan  mashaariic horumarineed dhan walbo  leh, xagga beeraha iyo warshadeenta, ay u dheertahay garoomo dayaaradeed, iyo dikado u baahan maal gelin , awoodna u yeelankaro, in laga dhiso dikado dalalka Afrikada dhaxe oo dhan wax looga dejiyo, taa oo ay ka faaiidi karaan dowladaha jaarka ah oo idil haba oogu horreeyaan Ethiopia iyo South Sudan iyo Uganda.

Halkaana waxaa ka bixidoono jid tareen ee Africa oo dhan isku xiro, haba u horreeyo mid badeeooyinka qaada.

Nabadda gobolka shabeellaha hoose waa mid ay daneynayaan dowlado fara badan oo dan gaar ka leh soomaaliya inay maal gashadaan.

Nabadda uusoo qaadey Mudane Waafow waxay ka dhigantahay nooleenta umadda Soomaaliya oo dhan, waxayna ka go’daa dadka u dhashey gobolka oo isku duuban.

Waxaan taageero buuxda la garab taagannahay  go’aankaasi lagu nooleynaayo dadka gobolka iyo Soomaaliya guud ahaan.

Waxaannu fareynaa qof kastaa ee daneynaayo tixgelinaayo halgankii dhallinyerada  naftooda hurey inay nabad kusoo hoggaamiyaan gobolka , inay si buuxda u taageeraan go’aankaa Nabadda ee uu soo qaadey mudane Generaal Waafow.

Qof kasta ee ka soo horjeesta go’aankaasi waxaan u aragnaa inuu yahay qof aan arkin wax ka badan danta jeebkiisa iyo calooshiisa.

Waxaana ku adkeyneynaa Maamulka Koonfur galbeed, iyo dowladda federaalka, hadda ayaad haleesheen ishii nabadda, oo ay u woda duubanyihiin dhammaan dadka u dhashey gobolka ee daacadna u ah danta iyo horumarka umadda Soomaaliyeed.

billowga Horumarka gobolka waa  taageeridda  go’aanka nabadeenta  ee uu soo qaadey Generaal Waafow. Waxaa inoo ballan ah dhismo iyo barbaarinta ubadka   iyo sida  loo gaari lahaa nolol wacan.

 

Jaaliyadda boqortooyada Sacuudiga Carabiya

iyo dhammaan jaaliyadaha gobolka Shabeellaha hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open