Taageerada Ballan qaadka Nabadda Gobolka Sh/Hoose Cabdullaahi Waafow

Ka : Guddoomiyaha Jaaliyadaha Beesha Biimaal: Xaaji Cumar Maxamed Cali(Cumar Moordi)

Ku :Dhammaan beelaha dega gobolka shabeellada  Hoose.  Rugtooda

Ku: Dhammaan jaaliyadaha qurba joogta ku abtirsato G/Sh/Hoose.  Rugtooda

Ku : Dhammaan  Maamul goboleedyada dalka ka jiro . Rugtooda

Ku: Wakiillada  deeq bixiyayaasha  oo dhan  Rugtooda

Ku:  Gaar ahaan Maamulka Koonfur galbeed  Rugtiiisa

Ku: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Farmaajo Rugtiisa

Ku: Ra’iisul wasaare Xasan Axmed Kheyre  Rugtiisa

Aniga oo ku hadlaaya  Magaceyga iyo magaca Jaaliyadaha Gobolka Sh.Hoose gaar ahaan beesha Biimaal

Waxaan caddeynaynaa  annaga oo isku duuban:-

1-Inaannu taageersannahay nabadda uu soo qaadey Mudane Generaal Cabdullaahi Waafow ka dib shirkii ballaarnaa ee uu kasoo galey  socdaalkii uu ku tegey Baidhoba, uuna lasoo galey maamulka koonfur galbeed iyo deeq bixiyaasha .

2- Waxaannu taageersannahay shirka ballaaran ee ay kasoo qeybgelidoonaan dhammaan beelaha u dhashey gobolka oo ay  hormuud ka tahay dowladda federaalka, maamul goboleedka koonfur galbeed,lana qabandoono goor dhow, kaasi oo noqondoono, kii dhidibada loogu aasi lahaa nabad waarta ee lagu soo dabaalo gobolkaan dagaalka uu riiqsadey.

3- Waxaana taageersannahay inuu noqdo kii loogu gudbilahaa nabad waarta iyo horumar uu gobolka ku naaso nuugo.

Oogu dambeentii waxaan ku adkeynayaa dhammaan in loo duubto taageerada nabadda uu soo qaadey Generaal Cabdullaahi Waafow.. waxaana leennahay waa guul iyo baraaro billowgeeda.

Maanta ayaa la joogaa maalintii ay naacowga nabadda ku woda noolaan lahaayeen dhammaan dadka u dhashey gobolka iyo kuwa ku dhasheyba.

Dhammaan waxaa waajib nagu ah, inaan u duubanno meel kastoo aan joogno sidii loo taageeri lahaa nabaddaan uu soo qaadey mudane Waafow.

Wa Billaahi Attowfiiq.

Duqa Jaaliyadaha Qurba Joogta Beesha Biimaal

Cumar Maxamed Cali ( Cumar Moordi)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open