Gudiga Difaaca Baarlamaanka Ugandha Oo Maanta Gaaray Deegaanka Ceeljaale Shirna La Qaatay…

Wafdi balaaran  oo ka socda wadanka Uganda  ayaa kormeer indha indhey ah ku soo gaaray xarunta ciidamada AMISOM ee Ugandha ay ku leeyihiin deegaanka Ceeljaale kaasoo wafdiga ka  gol lahaa nidaamka ay ku shaqeyaan ciidamada Uganda.

Wafdiga ayaa la sheegay in uu ka socdo baarlamaanka Ugandha qeybtiisa difaaca iyagoo Soomaaliya u yimid in ay uga xog waramaan Baarlamaanka Ugandha qaabka ay u shaqeeyaan ciidamadooda sidoo kale ka  eegayey  dhib iyo dheef waxa ay la kulmeen intii ay joogeen Soomaaliya gaar ahaan sanadkii ugu dambeeyey.

Maamulka gobalka Shabeelada hoose iyo odayaasha dhaqanka deegaanka oo goobjoog ka ahaa baaritaanka xog uruurinta Gudiga difaaca baarlamaanka Ugandha iyadoo si hoos ah su’aalo ka weydiinayey waxa ay kala kulmaan ciidamada AMISOM ee Ugandha  xiliga ay dhaqeynayaan.

Gudiga difaaca baarlamaanka Uganda ugu dambeeyntii waxa ay bogaadiyeen sida wanaagsan ay wada shaqeyntu u dhax marto ciidamada AMISOM iyo dadka deegaanka iyagoo ugu dambeeyntii ciidamada AMISOM ee Ugandha ku amray in la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka ee hormuudka u ah bulshada deegaanka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open