Daawo:Taliska Ciidamada Dowlada Oo Digniin Culus U Direy Shabaab Ku Dhuumaaleysanyo Degmada Marka.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha dowlada Mr Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu dagaal adag la geli doono maleeshiyaadka Alshabaab iyadoo dhinaca kale fursad u siiyey 60 cisho gudahooda in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowlada.

Taliska ciidamada gobolka Shabeelaha Hoose oo ka duulaya amarka madaxweyne Farmaajo ayaa dhankooda ku goodiyey in ay weerar ku ekeensiinayaan guud ahaan magaalooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka,, geesta kale waxa uu gaashaanka ku dhuftay in ay ka soo hormari donaan mudada madaxweynaha u qabtay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka

Taliye Good kamid ah saraakiisha xooga dalka waxa uu fariin digniin ah u direy madaxda maleeshiyaadka Al-shabaab isagoo si gaar ah  farta  ku goday madaxa warfaafinta maleeshiyaadka Alshabaab kaasi oo lagu magacabo Amiir Maxamad Cabdikariin Cali oo maalmahan baraha bulshada ka sheegay inuu yahay afhayeenka mooryaanta Hawargidir  hase yeeshee taasi waxaa beeniyey taliska ciidamada xoog isla markaana arinkaasi ku tilmaamay qar iska tuur iyo ku gambasho shaati qabiil.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open