Deg Deg: Mid Ka Mid Ah Ragii Gubay 6-dii Caruur iyo Ayeeyadood Oo Lagu Diley Gobalka Shabeelada Hoose .

Mid ka mid ah gacan ku dhiiglihii dilay 6-dii caruur iyo ayeeyadood ayaa la xaqiijiyay in lagu  diley qarax ka dhacay  Ceelasha Biyaha  ee gobalka Shabeelada hoose.

Nuur Cawaale (Hawargidir Saleemaan) oo ka mid ahaa gacan ku dhiiglayaashii gubay 6 caruur iyo ayeeyadood isla markaana ka baxsaday goobtaasi, ayaa in badan ku dhuumaaleysanayey magaalada Muqdisho iyo gobalka Shabeelada.

Goob jooga ku sugan koontaroolka Ceelasha biyaha  ee gobalka Shabeelada hoose ayaa u xajiiyey warbaahinta Raaxoole qaraxa uu ku dhintay dhagar qabe Nuur Cawaale iyadoo sharaxaad  uu ka bixiyey sida u dhintay ” qaraxa ayaa ka dhacay ceelasha biyaha Nuur Cawaale waxa uu waday caasi laakiin qaraxa gaarigiisa kuma dhicin Nuur Cawaale waxaa lagu dilay rasaas ay fureen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom maskaxda ayey kaga dhacday xabada” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah goobjooge..

Nuur Cawaale oo waday caasi qaada khudaarta maanta ayey ahayd xiliga ay qabatay hawaarkii caruurta iyo ayeeyadood.

Dhacdadii argagaxa laheyd ee lagu gubay 6 caruur iyo ayeeyadood ayaa laga joogaa sanad, shacabka Beesha Biimaal ayaan weli ka bixn quluubtoooda

Dhimashada gacan ku dhiigle Nuur Cawaale waxa ay ku soo beegmeysaa sanad guuradii ka soo wareegtay falka uu geystay oo sanad jirsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open