Shaley iyo Maanta iyo sheekada shabeellaha Hoose

Beryahaanba waxaan ka baadey qowl iyo qoraal, qalin iyo xaanshi , qisooyinka geyga Somaaliya oo gebi ka dhac u muuqday ayaan la juuqi waayey.

Maraan xaley jiifka is diidney, ayaan dib isu jaleecey, soo qaatey qaliinkii iyo xaanshadii, damcey inaan bal wax qoro, waxaan la jah wareerey ” qiila wa qaala, iyo qowl aan meel saarneyn”.

isku qasbey inaan wadaanta bal aan ceylka u dalwiyo, bal waa intaasoo wadaanta biyo ii soo darto.

Shaley shabeellada Hoose sheekadeedu waxay ahayd, mid qof walbo oo aan u dhalan inuu usoo tafa xeedanjirey, asaga oo kusoo dul tukubaayo, taroox u dhashey deegaankaasi iyo talo laabe, lagu tilmaamo, toosiye, iyo tilmaanne.

qaar ayaa ahaa tiir meel taagan, taladii deegaankana ku tilmaaman, tusaale uma baahnadiin, kuwa tan iyo talyaani roorkii talo xumo iyo tilmaan darro lasoo taagnaa.

shaley sheekadu waxay ahayd, anigaa talada kuu haayo meel walbana kaaga war qabo, waxna ku tari karo, hase yeeshee, tagoog jab iyo tiifow  tolkooda ku haayey.

anaa talo kuu haayo dhaqanna kuu ah, tuugsi iyo talo u fulin u haayey tarooxdii gobolka tootoonyo tumbukeen ku haayey.

Maalin walbo carada waa aysoo kordheysey, waagii biyoha iyo cawska iyo biyaha laga iibin jirey dadka deegaanka waa soo dhamaaday, dhallinyero dhiirran oo aan dhoof iyo dhereg midna aan haysan ayaa ku dhiirriday inay dhulkii u dhaqaaqaan, dhuuno qabadna ku noqdey dhuuna raaci iyo tarooxadii.

waxay soo laadlaaddo wadaantii , maanta Ceylkii kasoo baxday, waddankii oo idilna laga woda kac, wiil iyo waayeel, carruur iyo cirroole, lawoda  kac.

Cabsi weyn ayaa iga haayey, carradii Soomaaliya inay faraxha ka baxdo, cadow ma naxaan ah iyo nacab aan jirkiisa u naxaynin ayuu u fara galey, waxaase u dhinnaa in magaca Soomaali oo dhalan la tiro.

Inkastoo weli maantuba aysan ka dheereen, gowgii ay ka dhici lahayd, haddana umadda waa ay kacday, hase yeeshee weli waxaan ka baqayaa, inay arrintu u noqoto halkii ay taagneyd iyo meel kasii xun.

waxaanse rajada ka qabaa, inay Soomaaliya ka dhigaan “SOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH. IYO SOMAALIYEY TOOSOO ISKU TIIRSADA”:

1- SHACABKA SOOMAALIYEED.( siiba dhallinyerada, wiil iyo gabadh, iyo indheer araggooda)

2- XILDHIBAANNADA LABADA AQAL( intooda aan ahayn calooshood u shaqeystayaal, kuwaasi oo maanta meel mariyey rabitaanka Shacabka).

3- MUDANE MADAXWEYNE MAXAMED ABDULLAAHI MAXAMED (FARMAAJO).

4- MUDANE RAIISULWASAARE XASAN ALI KGEYRE IYO MAAMULKA UU SOO DHISIDOONO.

5- LABADA GUDDOOMIYE EE AQALKA SARE IYO BAARLAMAANKA .

6- MAXKAMADDA SARE EE LASOO DHISIDOONO EE ADAALADDA MEEL MARINDOONTO IN SHAA ALLAAH.

Intaasi waa aan ku rajo weynahay inay dalka ka badbaadiyaan, tirtiridda magaca Soomaaliya, ee sonooyin badan loo soo maleegaayey inay noqdaan kuwa magayo kala duwan loo bixiyo , ayna u horreyso goboleysiga lagu fuliyey, taasoo  lala doonaayey dalkaani in la siiyo magayada sida ” Kililka 6aad, 7aad , 8aad, 9aad….. iyo woqooyi bari, … iwm).

Maantase taasi waa ay dhamaatey waxaana ii muuqato, in rajada umadda Soomaaliyeed ay soo muuqatey.

Waxaase dhiman isku duubnidii doorashada Madaxweynaha iyo Raiisulwaasaaraha oo kale ay  umadduu oogu duubato dhismaha iyo is walaaleysiga, taasi  oo ay ku woda noolaan karaan si nabadgelyo leh, riyaha iyo waraabaha , ayaga oo woda dhergan.

Damaca iimaan darridana meesha ay ka saaraan kuwa xaaraan ku naaxayaasha, inta aan la woda karantiinin.

Sheekada Shabeellaha Hoose waxay taagantahay shaley tegtey, maantase  xaggey joogtaa?

Shabeellaha Hoose dib uma eegeyso, intii dulmi lagusoo maamuli jirey, waayo dhibaato intii ku soo dhacday waxaa loo soo woda adeegsan jirey, kuwa u dhashey, amase kuwa la deres ahaa, oo ka tirsanaa ayaga, hase yeeshee maantase taasi dhamaatey.

Waxaan doonayaa inaan qoraalkaan inta ka dhiman aan u gudbiyo :

Madaxweyne : Maxamed Cabdullaahi Faahrmaajo

Raiisulwasaare: Xasan Cali kheyre

Raiisul barlamaan: Maxamed Cismaan Jawaari 

Guddoomiyaha Aqalka Sare: Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Guddoomiyaha Garsoorka…..la doorandoono.

Mudanayaal, waxaad adduunyo iyo aakhiro ku liibaaneysaan haddii aad ku dhaqantaan Cadaalad, taasi oo ay ka dhalankarto , wax allaale waxii wanaag ah ee aaddooneysaan.

“Sheekada Shabeellaha hoose waa aad ka dheeregsantihiin, waxaana idin farayaa inaad  dulmigii soo saarnaa tan 1884ka aad ka qaaddaan , haddii aad taasi yeeshaan , magaciinna inta ay dunida jirto waa uu jiraan doonaa, ogaada”

Waxaan si gaar ah ula hadlayaa, Mudane Jawaari iyo Mudane Cabdi Xaashi, oo aan filaayo inay xasuusan karaan amase ayba ogyihiin, oo ay jireen, amase waa ay maqli jireen ayaga oo carruur ah, dadyowga u dhashey gobolka Shabeellada Hoose waa dad nabadeed, waana loo nolol jarsanjirey, dadkana ma kala sooci jirin, waxayna ahaayeen dad kuwoda dadaalo, nabadgelyada, iyo dulmi nacceebka.

Taasi ma aysan ahayn, cabsi aadani ee waxay ahayd cabsi ilaah, iyo soomaali jeceyl, iyo gaal naeyb.

Hase yeeshee Soomaali jaceylkii waxaa loogu beddeley inay ka tahay daciifnimo iyo dad aan dagaal aqoon.

Haddaba waxay Soomaalida oo idil idin ka dooneysaa cadaalad, ay ku woda nastaan, haddiise aad baal martaan cadaaladda oo aan is leeyahay ma baalmaridoontaane, haddane haddii sheydaan idin duufsado waxaad ogaaneysaan, magaciinna inuu xumaan u dhamaandoono.

TAASI MA FILAAYO INAY DHICIDOONTO, EE WAXAAN IDIN OGEYSIINAYAA, SHEEKADA SHABEELLADA HOOSE MA AHAN TII LAGULA DHAQMI JIREY WAAYIHII TEGEY.

Maanta waa maalin cusub lanaa jaan qaadi karta tillaabada aad dooneysaan ee ku saleysan cadaalad, sinnaan, Soomaalinimo, iyo horumar.

dhan walbo ka fiiriya, dullmiga heerka uu gaarsiisanyahay, gude iyo debed, kor iyo hoose,caafimaad iyo waxbarasho, dhaqan iyo dhaqaalo….

dheefta shabeellooyinka iyo jubbooyinka waxa ay nooleen karaan dalalka Africa iyo qaar badan oo kale, waa aadna ogtihii, hase yeeshee dhaaftaasi waxaa lagu cunikaraa, cadaadalad iyo is walaaleysi lala tegeo deegaannadaasi, haddiise la waayo taasi, dheeftaasi waxay u dhamaandoontaa inuu keli shisheeye uu u gacan galo, Soomaalidana ay iska xasiddo.. Allaaha naga kaalo.

intaasi waa in yer oo madaxdiinna aan usoo gudbiyey..iskana ogaada laba wujiilayaalka dalka iyo dadka iyo diinta iyo danta midna aan aqoon..,

sheekadu waa Shabeellada Hoose Tii ma ahane, tub toosan iyo talo toosan halala yimaado.. Soohintii horey u qallooocatey hadda ha la toosiyo.

Guushu waa SOMALIYA HA NOOLAATO.

Wa Billaahi Attowfiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open