Daawo: Deegaanka Ceeljaale Oo Laga Dhisay Dugsi.

Deegaanka Ceeljaale oo hoos yimaada degmada Marka ayaa laga dhisay  dugsi Qur’aan  oo wax ku bartaan ardeyda tira badan oo ku dadaalaya inay kor ka xifdiyaan kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dhawaan waxaa  warbaahinta Raaxoole bogeeda lagu daabacay in dugsi Qu’raan  aan lahayn dhismo ay ardeydu kaga gabadaan qoraxda iyo roobka isla markaana macalinka dugsiga uu ka socday dadka muxsiniinta in ay u dhisaan.

Dad muxsiniinta ka mid ayaa ka soo jawaabay baaqaasi una dhisay macalinka Dugsi Qur’aan iyo musqul ay ku daneystaan ardeyda iyo macalinka.

Dugsiga waxa uu ku yaalaa deegaanka Ceeljaale,iyadoona dugsiyada Qur’aanka ay ahaayeen laba, balse waxaa howshiisa
la dhameeyey mid ka mid ah, inkastoo midka labaad howshiisa ay qabyo tahay.

Macalimiinta,ardeyda dugsiga,culimada iyo wax garadka deegaanka ayaa u mahad celiyey cidii gacanta ka geysatay sidoo kale u deceeyey Alle SWC uga baryey kheer aduuyo iyo xisaab la’aan Janno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open