Shirka woda tashiga hiigsiga 2016ka, 19/09/2015 – Moqdisho

Shir ballaaran ayaa maanta ka furmey , caasimadda Moqdisho, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen hay’ado , dowladaha deeq bixiyaasha, ayna gun dhig u yihiin shan madaxweyne ee maamullada ku bahoobey inay ka mid noqdaan waxa lagu magacaabey “Federaalka Soomaaliya”, halka ay weli qaar dhimanyihiin dhismahooda, qaarna aysan weli ka mid noqon, qaarna ayba ka soo hor jeedaan.

Haddaba wax yer aan u kuur gallo , fadhigaani waxa kasoo dhalankaro, ee dan u ah, umadda Soomaaliyeed,ee 25 sano kufid aan kacid lahayn ku noolaa!!

Shirka aan u kala saarno, laba qeybood, oo kala ah, hay’ado, iyo dowlado shisheeye ah, magic kastaaba ha la siiyee, oo ka leh, dano gaar ah, dalka Soomaaliya.

Qeybta labaad oo ah kuwa matilaayo danaha umadda Soomaaliyeed , ayna hormuud u yihiin, madaxweynaha federaalaka, madaxda maamul goboleedyada , raiisul baralamaanka, raiisul wasaaraha, iyo xubno ka tirsan dowladda iyo barlamaankaba.

Haddaba la garay, kuwa danta la leh dalka inay ka fushadaan, kuwase umadda iyo dalka matilaaya maxaa laga filikaraa?

Marka hore, waxaanu ognahay inay iu calool bukaan, oo aysan isku aragti ahayn, ayana woda doonayaan mid walbo in tiisa la meel mariyo, taasi oo dhalisey inay shirkii hore ay kasoo qeyb galiwaayeen, Puntland iyo Jubbaland, taasi oo ah, in ay kala yihiin, madaxda, laba qeybood, oo kala safan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweyne, Shariif Xasan iyo Madaxweyne Cabdikariim Guuleed, oo isku dhinac ah, danaha hooseba ha ku kala duwanaadaane, haddana meel ayay kasoo jeedaan, dhanka kale waxaa jira, Madaxweyne Cabdi Weli Gaas, iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, oo isku dhan ah.

Labadan dhinac waxay hoos ka woda xariiraan, Ra’iisul barlamaan Maxamed Cismaan Jawaari, oo raacsan dhinaca Xasan Sheekh Maxmuud, shariifkaba ha nacee, haddana waa la saf, halka dhanka kale, uu ra;iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke uu hoosta kala xariiro, oo uu u jalleeco dhanka labada kale, haba ku saleysnaatee, heyb raac iyo deegaan.

Haddaba mar haddii ay sidaasi u kala qeybsanyihiin, oo weliba aan ognahay in Axmed Madoobe iyo Cabdiweli lagu qasbey inay shirkaani kasoo qeyb galaan, taasi oo kaga timid cadaadis dhanka dowladaha daneynaaya Soomaaliya, haddana weli waxaa ka muuqdo mar hadday sidii dhabarkooda isu jeedo, inaysan keeni Karin, dan umad iyo dan deegaan midna.

Waxaa keli u bannaan waxii loo soo woda yeeriyo keli inay soo qaataan, waayo dhan walbo waxa uu woto dhanka kale hadduusan ka socaneynin, keli waxa hadhey ayaa ah, waxii dowladaha kale aysoo jeediyaan inay woda qaataan, taasi oo ah, tan mar walbo ay ka shaqeeyaan kuwa dalka danaha gaarka ah ka leh, haba loo tuso, inay ka shaqeynayaan danaha umadda Soomaaliyeed.

Waxaa meesha kasoo bixikaro ayaa noqoneysa, mid aan marna shacabka u cuntamin, hase yeeshee ah, maxaa qareerka kugu kallifey, haddaysan ahayn waxa kasii qadheedh mooyee.

Inta ka faallootey ayaan marna qiran inay meesha kasoo bixidoonto, mid ku dhisan aragtika mideysan kuna dhisan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, taasi oo ah, 5madaxweyne, iyo daba socodkooda ayaa ah, meel eber ah, waxaase rajadu tahay waxii soo baxa qadhhedhkeeda ha lagu qaato, mar haddaan waxba laga qabankarin, amase aysan jirin, rag iyo dumar daacad ka ah , danaha umadda iyo dalkaba..

Maalin ayaa imaandoonto, umaddaani usoo kicidoonaan rag garta jidka toosan dhanka uu ka jidho,una jaheendoono.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO, WAXII XUNNA ILAAHAY HA KA QABTO, WAXII SANNA ALLAHA HALEELIYO.

Eber bidax marey allow ha ka dhigin, hiigsiga 2020ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open