Baloteli oo lafilaayo in xagaagan uu tago naadiga….

Tababaraha Liverpool ayaa sheegay in ay suuragal tahay in Mario Baloteli uu naadiga isaga tago xagaagan.

Laacibka reer Italia waxa uu Reds xagaagii hore uga soo biiray kooxda AC Milan balse waxa uu mushkilad kala kulmay horyaalka kal hore.

Laacibka oo lala xiriirinayo in uu dib ugu laabanyo Serie A-ga  ayaa laga saaray safarada ay kooxda ku aaday Australia iyo Asia.

“Mario ma uusan noo soo raacin safarka laakiin waxa uu tababar adag ku sameynayaa Melwood isaga iyo ciyaaryahaanda kale,” ayuu Rodgers u sheegay Telegraph.

“Waxa ay u taala Mario in uu sii ahaano ciyaarayahn Liverpool ah xilli ciyaareedka dambe. Waan arki doona marka uu horyaalka bilowdo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Protected by WP Anti Spam

Open